Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo beenisay in uu mar kale suuqa galay imtixaanka Shahaadiga

Wasiiru-dowlaha wasaaradda Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle (Jaabiri) ayaa beeniyay in uu mar kale suuqa galay imtixaanka shahaadiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo sida qorshaysan loo fariisan doono maalinta berriya .

Mudane Jaabiri oo caawo wareysi gaar ah siinayay teleshinka dowladda ee SNTV ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in suuqa laga helay imtixaanka ku celiska ah ee maalinta berriya laga qaadi doono ardayda koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya kadib markii uu fashilmay imtixaankii hore ee dowladda.

Wasiirka ayaa sidoo kale u digay dad uu sheegay in ay dib u faafinayan imtixaankii hore u fashilmay ee dowladda Federaalka Soomaaliya balse ma soo bandhigin wax caddeyn ah oo muujinaysa in nuqullada hadda la helay ay yihiin imtixaankii hore.

Hadalka wasiiru-dowlaha  ayaa ku soo beegmay xilli fiidnimadii caawo ay warbaahintu heshay nuqullo imtixaan ah oo la soo geliyay baraha bulshada islamarkaana la sheegay in gudaha magaalada Gaalkacyo lagu kala iibsanayo maddooyin kamid ah imtixaanka berri.

Halkaan ka daawo hadalkiisa

PUNTLAND POST