Wasiirka Waxbarashada DFS oo War kasoo saaray xilliga uu dhicayo Imtixaanka guud

Muqdisho (PP) ─ Wasiirka waxbarashada Somalia, C/llaahi Goodax Barre  ayaa sheegay in imtixaanka dugsiga sare uu dhici doono waqtigii loogu talo-galay, isagoo ugu baaqay ardayda Soomaaliyeed inay u diyaar garoobaan ka qayb-galka imtixaanka.

Imtixaankan oo fashilmay bishan horraanteedii, kaddib markii la sheegay in la helay nuqullo ka mid ah su’aalaha imtixaanka ayaa waxaa joojiyay wasiir Goodax, taasoo dhalisay dibadbaxyo ay dhigeen ardaydii imtixaanaadkaas laga joojiyay.

Arrintaas ayaa waxay keentay in maamulka Hirshabelle oo ka mid ah kuwa hoos-yimaada dowladda federaalka ah uu diido in imtixaanka guud ay u hoos-tagaan dowladda dhexe ee Soomaaliya, inkastoo wasiirro arrintaas xallinaya ay gaareen Jowhar.

“Maalinta Isniinta ah oo ku beegan 27-ka bishan May, waxaa si rasmi ah uga billaabanaya Muqdisho iyo qaybo kale oo dalka ka mid ah imtixaanka guud ee shahaadiga ah ee dugsiyada sare, waxaanan ardayda Soomaaliyeed ee ka qayb-galaya imtixaanka u rajeyayaa guul,” ayuu yiri Wasiir Goodax.

Wasiirka oo sii hadlaya ayaa wuxuu intaas ku daray. “Wasaaraddu waxay mar walba mas’uuliyad iska saareysa sidii loo garab-is-taagi lahaa ardayda Soomaaliyeed,”

Sidoo kale, laamaha ammaanka Dowladda Somalia ayuu ka dalbaday inay ardayda u turaan inta lagu jiro imtixaanka, wuxuuna sidoo kale ku baaqay in laga hor-tago wax walba oo wax u dhimi kara habsami u socodka imtixaanka guud ee shahaadiga ah.

Ugu dambeyn, Imtixaankan waxaa ka qayb-gali doonta 31,000 oo arday sida ay sheegtay wasaaradda waxbarashada, kuwaasoo ku kala sugan Muqdisho iyo gobollada dalka qaarkood, inkastoo aan la ogeyn saameynta uu yeelan doono imtixaankan.

PUNTLAND POST