Madaxweynaha Somalia oo ka qayb-galay caleemo-saarka Madaxweynaha K/ Afrika

Pretoria (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ka qayb-galay munaasabadda caleemo-saarka Madaxweynaha cusub ee Dalka Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa.

Madaxwynaha oo munaasabaddan kaga qeyb galay Magaalada Pretoria ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweyne Ramaphosa xilka cusub ee loo igmaday, isaga oo bogaadiyay horumarka ay dowladda iyo shacabka Koonfur Afrika ay ku tallaabsadeen.

Dhankiisa, Madaxweynaha cusub ee dalka Koonfur Afrika Mudane Cyril Ramaphosa ayaa uga mahad celiyey wafdiga Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo sida ay u ajiibeen marti qaadka uu u fidiyey ee ku aaddan in ay goob joog ka noqdaan munaasabadda uu xilka kula wareegayo.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa inta uu ku suganyahay Koonfur Afrika waxa uu kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku sugan dalkan, isagoona u kuur galaya xaaladdooda iyo caqabadaha haysta.

PUNTLAND POST