Dowlad goboleedyada oo ka hortimid habraac ay soo saartay xukuumadda Federaalka Soomaliya

Dowlad goboleedka Jubaland ayaa ka horyimid habraac ay xalay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha xukuumadda Federaalka Soomaaliya kaasi oo lagu sheegay in  lagu maamulayo doorashooyinka dowlad goboleedyada Galmudug iyo Jubaland.

War-saxaafadeed ka soo baxay wasaaradda arrimaha gudaha iyo dowlaha hoose ee Jubaland ayaa lagu sheegay in Jubaland u madax-bannaantahay habraaca doorashadeeda ayna mas’uul ka yihiin guddiga madaxa-bannaan ee xuduudaha iyo doorashooyinka ee Jubaland.

Sidoo kale dowlad goboleedka Hirshabeelle ayaa ka soo horjeestay habraaca ay soo saartay xukuumadda Federaalka Soomaaliya halka Galmudug ay ku kala qeybsantay oo garabna taageeray garabka kalena ka horyimid

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST