Xog: Madaxweynaha Puntland oo xilka ka qaadaya mas’uuliyiin kala duwan

Xubno ka tirsan xafiiska madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xaqiijiyay in madaxweynuhu isbeddel ballaaran ku samayn doono maamulka iyo laamaha amniga gobolka Mudug kadib markii uu wada-tashiyo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolkaasi.

Warbaahinta Puntland Post ayaa ogaatay in madaxweynuhu xilka ka qaadayo guddoomiyaha gobolka Mudug ku xigeenkiisa iyo taliyaha qeybta Booliiska Mudug islamarkaana uu magacaabi doono mas’uuliyiin cusub.

Sidoo kale waxaa soo baxaya  warar sheegaya in madaxweynuhu uu kala dirayo garsoorayaasha maxkamadda darajada kowaad iyo racfaanka ee gobolka Mudug inkastoo warbaahinta Puntland Post aysan weli xaqiijin warkaasi.

Dhinaca kale madaxweyne Deni maalinta berriya ayaa la filayaa in uu safarkii labaad ee dibadda ugu baxo waddanka Shiinaha iyadoo socdaalkaasi la xiriiro dhanka kaabayaasha dhaqaalaha iyo horumarinta.

PUNTLAND POST