
Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka oo uu hoggaamiyo madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xassan Sheikh Maxamuud ayaa sheegay in dowlad goboleedka Galmudug ay halis ugu jirto in ay burburto haddii aysan dowladda Federaalka Soomaaliya ka joojin fara-gelin uu xisbigu sheegay in ay ku hayso.
War-saxaafadeed ka soo baxay hoggaanka xisbiga ayaa soo jeediyay in la fuliyo heshiiskii midaynta Galmudug ee ay dalka Djibouti ku wada-saxiixdeen labadii dhinac ee Galmudug iyo Ahlusunna si looga gudbo khilaafka siyaasadeed ee kala qeybiyay mas’uuliyiinta dowlad goboleedka Galmudug.
Xisbiga Midowga Nabadda iyo Horumarka ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay joojiso fara-gelinta ay ku hayso xaaladda siyaasadeed ee ka taagan dowlad goboleedka Galmudug islamarkaana bulshada halkaasi deggan u ogolaato in ay keligood ka wada-hadlaan aayaha iyo masiirka degaannadooda.
Sidoo kale xisbiga ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya ugu baaqay in ay dowlad goboleedka Galmudug ka qaaddo cuna-qabateynta dhaqaale una fasaxdo qoonada ay ku leeyihiin deeqaha caalamku bixiyo ee la soo mariyo xukuumadda dhexe .
Dhanka kale xisbiga ayaa taageeray xoojinta heshiis iskaashi cusub oo dhinacyada amniga iyo siyaasadda khuseeya kaasi oo ay dhowaan magaalada Gaalkacyo ku wada-saxiixdeen dowlad goboleedka Galmudug iyo Puntland.
Halkaan ka akhriso war-saxaafadeedka


PUNTLAND POST
You must be logged in to post a comment.