Deni oo taliye cusub u magacaabay Booliiska gobolka Mudug

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa taliye cusub u magacaabay Booliiska gobolka Mudug.

Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha ayaa taliyaha qeybta Booliiska gobolka Mudug loogu magacaabay Gaashaanle Sare Jaamac Maxamed Axmed.

Magacaabista taliyaha waxay ku soo beegantay saacado kadib markii madaxweynuhu kala diray garsoorayaashii maxkamadaha iyo xeer-ilaalintii gobolka Mudug islamarkaana maamul cusub u magacaabay gobolkaasi.

Madaxweynaha oo maalmihii u dambeeyay ku sugnaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa isbeddeladani sameeyay kadib markii uu la tashiyo la yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada gobolka Mudug.

Dhinaca kale madaxweynaha ayaa sida qorshaysan maalinta berriya safar u aadi doona dalka Shiinaha iyadoo safarkaasi la xiriiro dhanka horumarinta kaaabayaasha dhaqaalaha iyo maal-geshiga.

PUNTLAND POST