Dikreeto: Maamulkii isbitaalka guud ee Garoowe oo la beddelay

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka dowladda Puntland Dr Jaamac Faarax Xassan ayaa xilka ka qaaday agaasimihii isbtitaalka guud ee magaalada Garoowe Maxamed Xaamud Maxamed (Gacal).

Dikreeto ka soo baxday xafiiska wasiirka caafimaadka oo aan warbaahinta lala wadaagin ayaa xilka looga qaaday Maxamed Gacal waxaana xilkaasi loo magacaabay Drs Xabiibo Nuux Ismaaciil oo kamid ah dhaqaatiirta ka hawlgala caasimadda Garoowe.

Dikreetada ayaa sidoo kale xilka looga qaaday agaasime ku xigeenkii isbitaalka Cabdulqaadir Jaamac axmed iyadoo loo magacaabay Maxamuud Cabdirashiid Nuur.

Agaasimihii maamulka iyo maaliyadda Sharma’arke Nuur Maxamed ayaa isna xilka laga qaaday waxaana lagu beddelay Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdiraxmaan.

Maamulka cusub ee isbitaalka loo magacaabay ayaa sida qorshaysan xilka la wareegi doona maalinta berriya oo Sabtiya.

Halkaan ka akhriso dikreetada

PUNTLAND POST