Qaraxii ka dhacay Muqdisho oo Al-shabaab ay sheegatay iyo Khasaarihiisa oo kordhay

Muqdisho (PP) ─ Ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay mas’uul ka yihiin qarax dad badan ay khasaare kasoo gaartay oo maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo noqonaya qaraxii ugu khasaaraha badnaa ee Muqdisho ka dhaca tan iyo markii ay dhalatay bisha barakeysan Ramadaan.

Khasaaraha ka dhashay Qaraxan ayaa la sheegay inuu kor u dhaafayo 15-qof oo dhimasho ah iyo dhaawacyo intaas ka badan, kuwaasoo qaarkood la sheegay inay yihiin kuwo culus, waxaana lagu dabiibayaa isbitaallada Xamar qaarkood.

Afhayeen u hadlay Al-shabaab ayaa sheegay inay qarxaas ku dileen tiro ka mid ah ciidamada dowladda Somalia, xildhibaanno iyo xubno kale oo ka tirsan shaqaalaha dowladda Somalia oo ay sheegtay inay xilligaas joogeen uu ka dhacay qaraxa.

“Qaraxa waxaa fuliyay xubno naga tirsan oo Muqdisho ku sugan, waxaanan ku dilnay halkaas tobaneeyo qof oo isugu jiray askar, mas’uuliyiin ka tirsan DF iyo shaqaale xukuumadda u shaqeeya,” ayuu yiri afhayeenka u hadlay Al-shabaab.

Sidoo kale, wuxuu afhayeenku sheegay in tallaabadan ay jawaab u ahayd hadallo kasoo yeeray dowladda oo ahaa in Muqdisho amnigeeda la sugay, isagoo xusay inay sii wadayaan beegsiga goobaha ay gacanta ku haso DF, gaar ahaan meelaha ay ku badan yihiin xubnaha ka tirsan dowladda.

Danka kale, Dadka ay dhibaatooyinka kasoo gaareen qaraxan waxaa ka mid ah dad barakacayaal ah oo dagganaa dhismaha wasaaraddii caafimaadka oo kaabiga ku haysa halka uu qaraxu ka dhacay, waxaana lagu waayay dhowr qof oo ay ku jireen carruur aad u yar-yar.

Booliiska Somalia ayaa iyaguna dhankooda sheegay in weerarkaas laga hor-tagay, isla markaana lagu dilay shan qof, tiro kalena lagu dhaawacay, balse wararkii dambe ee soo baxay ayaa sheegaya inay tiradu gaartay in ka badan 15-qof oo ay ku jiraan xubno dowladda ka tirsan.

Ugu dambeyn, Muqdisho oo amaankeeda si aad ah loo adkeeyay ayaa weli waxaa ka dhacaya qaraxyo ismiidaamin ah oo ay geysanayaan Kooxaha ka soo horjeeda Dowladda, waxaana qaraxan kii ka horreeyay uu Muqdisho ka dhacay dhawr maalmood ka hor, inkastoo uu khasaare yaraa.

PUNTLAND POST