Kenya oo Garoonka Muqdisho ku soo cilisay wasiiro iyo xildhibaano

Wasiir kuxigeenkii Tamarta iyo Biyaha xukuumada Federaalka Soomaaliya ahna Senator ka tirsan aqalka sare Ilyaas Cali Xasan iyo Senator Zamzam Dahir ayaa saaka lagu soo celiyay magaalada Muqdisho.

Masuuliyiintaan ayaa in ka badan 15 saacadood ku xanibnaa garoonka diyaaradaha Joma Kenyatta, kaddib markii loo diiday Visaha dal ku galka Kenya oo horay wasiirada iyo Xildhibaanada looga dhufan jiray Baasaboorka, marka ay ka degaan Garoonka diyaaradaha Nairobi.

Masuuliyiintaan ayaa howlo shaqo ugu socday magaalada Nairobi ee caasimada wadanka Kenya.

Waxaa sii xumaanaya xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhaxeeya dowladaha Soomaaliya iyo kenya.

Dowlada Soomaaliya ayaa saacadaha soo socdo lagu wadaa in ay jawaab ka bixiso go’aanka dowlada Kenya ay ku soo cilisay wasiirada iyo xildhibaanada.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho