Ciidamada Kenya oo laga saaray saldhigyo ay ku lahaayeen Xarunta Jubaland ee Kismaayo

Kismaayo (PP) ─ Ciidamada Kenya ee qaybta ka ah Hawl-galka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lasoo sheegayaa inay maanta isaga baxeen saldhig ay muddo ku lahaayeen garoonka diyaaradaha ee magaalada Kismaayo ee caasimadda  maamul-goboleedka Jubbaland.

Wararka ayaa sheegaya in ciidammo Itoobiyaan ah oo ku sugnaa Kismaayo ay la wareegeen amnga garoonka, iyadoo aanan la ogeyn sababta ciidamada Kenya ay uga baxeen saldhiggaas oo ay ka hawl-galayeen tan iyo markii ay soo galeen Somalia.

Sidoo kale, Wararka hoose ayaa sheegaya in amarka ciidanka Kenya ay uga baxeen garoonka diyaaradaha uu bixiyay taliska guud ee AMISOM, waxaana wararku ay intaas ku darayaan in ciidamada ka socda waddanka Kenya laga saarayo guud ahaan Gobolka Jubbada Hoose.

Ciidamada Kenya ayaa sidoo kale waxaa saakay laga saarayaan saldhigyo ay ku lahaayeen Jaamacadda guud ee Magaalada Kismaayo iyo kuwo kale oo ku yaalla qaybo ka mid ah gobolkaas.

Tallaabadan ayaa timid kaddib markii ay Kismaayo kulan ku yeesheen xubno ka socday ciidamada Itoobiya iyo madaxweynaha Jubbaland, kulankaas oo looga hadlay sidoo loo xoojin lahaa amniga guud ee garoonka, isla markaana musharixiinta la tartameysa Axmed Madoobe ay si nabad ah Kismaayo ku tagaan.

Dhanka kale, Wararka laga helayo Kismaayo ayaa waxay sheegayaan in lagu wado inay maanta Kismaayo tagaan saraakiil ka socota AMISOM, kuwaasoo la kulami doona Madaxweynaha Maamulkaas Axmed Madoobe oo qayb ka ah musharraxiinta u taagan xilka madaxweynenimo ee maamulkaas.

Ugu dambeyn, Maagaalada Kismaayo ayaa waxaa lagu wadaa inay dhawaan ka dhacdo doorasho, waxaana muran uu u dhexeeyaa musharraxiinta xilka kula tartamaya Axmed Madoobe, iyadoo dhawaan ay garoonka Kismaayo ka dhacday is-rasaaseyn u dhexeysay ciidamada Axmed Madoobe oo iyo kuwo uu watay Musharrax C/naasir Seeraar Maax oo horay u ahaa afhayeenka maamulka Jubbaland.

PUNTLAND POST