Sharcigii Batroolka Soomaaliya oo maanta la ansixiyey

Barlamaanka Soomaaliya ayaa maanta waxaa ay kulankoodii 16-aad kalfadhigiisa 5aad ku yeesheen xaruntooda Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho.

Kulanka Golaha ee Maanta ayaa waxaa soo xaadiray 154 Xildhibaan,waxaana ay ansixiyeen Xeerka Batroolka Soomaliya oo ay muran horay uga keeneen Maamul goboleedyada dalka.

Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa codeyn gacan taag ah waxa ay ku ansixiyeen Xeerka Batroolka, 150 mudane ayaa ogolaatay ansixinta Xeerkaas,waxaana diiday 4 mudane.

Sharcigan oo mudo hore Barlamaanka loo gudbiyey ayaa Maamul-goboleedyadu muran ka qabeen, inkastoo horay looga heshiiyey shirkii Baydhabo.