Madaxweyne Deni oo Kormeeray Xarunta Gobolka Mudug iyo Iskuulka Cumar Samatar.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland ayaa kormeeray Xarunta gobolka Mudug iyo Iskuulka Sare ee Cumar Samatar oo ay ardaydu u fadhiyeen Imtixaanka Shahaadiga ah ee Dugsiyada sare ee Puntland maalintii sadexaad.

Afhayeenka Dowladda Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac (Dabaraani) ayaa ugu horayn ka warbixiyey kormeerka Madaxweynaha Puntland ee xarunta gobolka Mudug.

Maanta waxaa uu Madaxeynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni kormeeray xarunta gobolka Mudug, waxaana uu Madaxweyne Deni warbixin ka dhegeystey gudoonka gobolka oo ay weheliyaan qaar ka mid ah Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobolka iyo saraakiisha laamaha amniga”.

kulan kaas waxaa la iskagaga xog wareystay xaaladda guud ee Gobolka, waxayna masuuliyiintu Madaxweynaha uga warbixiyeen xaaladda guud iyo baahiyaha jira, Madaxweynaha ayaana bogaadiyey shaqooyinka socda, isagoo xusay in waxbadan laga qabandoono” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Jama Dabaraani.

Sidoo kale Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jama Dabaraani ayaa ka warbixiyey kormeerka Madaxweynaha ee Iskuulka Cumar Samatar ee magaalada Gaalkacayo iyo sida uu u socdo Imtixaanaadka Shahaadiga ah.

Dhinaca kale Madaxeynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni waxaa uu kormeeray sida uu u socdo imtixaanaadka shahaadiga ah ee Puntland, Madaxweynuhu waxa uu tegey iskuulka Cumar Samatar halkaasi oo ay imtixaanaadka ku gelayaan arday ay tiradoodu ka badan tahay lix boqol oo arday”

Madaxweyne Deni ayaa qaar kamid ah Fasalada ay imtixanaadku ka socdaan galay, kadib waxaa uu warbin ka dhegeystey Wasaaradda waxbarashada heer gobol, Degmo iyo Kormeerayaasha, waxayna dhammaan sheegeen in imtixaamadku u socdaan si taabo gal ah”.

PUNTLAND POST