Madaxweynaha Puntland oo Kormeeray Qalabka Lagu Dhisayo Dekedda Garacad

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa kormeeray qaar kamid ah qalabka lagu dhisayo Dekadda Garacad oo soo gaaray Magaalada Gaalkacayo.

Munaasabadda kooban oo lagu qabtay goobta qalabka la keenay oo ahay Laanta Dusmada ayaa waxaa kasoo qayb galay qaar kamid ah goleyaasha Dowladda Puntland, Isimo, Nabadoono, Ganacsato guddiga dhismaha dekedda Garacad iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada Dowladda Puntland.

Madaxweyne Deni oo Munaasabadda ka hadlay ayaa aad ugu dheeraday muhiimadda ay Puntland u leedahay Dhismaha Dekedda Garacad

Qalabkan oo Dowladda Puntland dhammaanteed, gaar ahaan gobolka Mudug ay mudo dheer sugayeen inaan maanta halkan iyada oo nabad qabta iyo anagoo nabad qabna aan iskugu nimaadno waa guul xag Alle ka sugnaatay, mashaariicdan waaweyn oo hada laga sheekeeyey kuwa hada socda iyo kuwa imaan doona intaba dedaalka dad weynaha iyo Dowladda oo is kaashaday ayey ku hirgaleen”

Waad ogtihiin mashaariicdaas bilowgeedii xukuumadihii naga horeeyey ayaan uga mahadcelinaynaa haday ahaan lahayd Dekedaa, haday ahaan lahayd garoonka diyaaradaha iyo kastamkaba, Dowladnimadu waa qori isku dhiib qofka sharci baa lagu doortaa sharci buuna ku shaqeeyaa sharcigaana faraya in uu danahaa dalka ka shaqeeyo”Ayuu Yiri Madaxweynaha Puntland.

PUNTLAND POST