Goodax oo raalli-gelin ka bixiyay beentii uu shalay ka sheegay imtixaanka Puntland

Wasiirka Waxbarashada xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Goodax Barre ayaa raalli-gelin ka bixiyay hadalkii uu shalay ku sheegay in imtixaanka shahaadiga Puntland uu fashilmay.

Qoraal galabta ka soo baxay xafiiskiisa ayuu ku sheegay in xog qaldan lagu siiyay in madaxweynaha Puntland shalay ku dhawaaqay in la jabsaday imtixaankii shahaadiga Puntland isaguna uu sidaasi u sheegay balse ay habbooneyd in uu hubsado warkaasi.

Sidoo kale wuxuu qoraalkiisa ku boodiyay imtixaanka shahaadiga ah ee dowladda Puntland isagoo caddeeyay in uu xukuumadda iyo shacabka Puntland ku garab taaganyahay hawlaha imtixaanka.

Hoos ka akhriso qoraalkiisa

PUNTLAND POST