Boqorka Sacuudiga oo ku baaqay shirar deg deg ah

Wasaaradda arrimaha dibadda waddanka Sacuudi Carabiya, ayaa sheegtay boqor Salmaan Cabdicasiis uu ku baaqay in laba shir-madaxeed oo deg deg ah ay yeeshaan, waddamada Khaliijka iyo dalalka Carabta 30-ka bishan May ee socota, si looga arrinsado weerarradii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Sacuudiga iyo Imaaraatka Carabta.

Wakaaladda wararka dalka Sacuudiga, ayaa baahisay in labada shir-madaxeed lagu qaban doono magaalada Makka, si looga arrinsado halista uu wajahayo amniga gobolka iyo kan caalamkuba, kadib weerarkii lagu qaaday maraakiibtii ganacsiga  Imaaraatiga ee marayay biyaha dalkooda iyo weerarkii malayshiyaadka Xuutiyiinta ee Iraan taageerto ay ku beegsadeen goobaha shidaalka laga soo saaro ee boqortooyada Sacuudiga.

Xuutiyiinta ayaa talaadadii la soo dhaafay qaaday, weerarkii ugu horreeyay ee noociisa ah oo ay ku beegsadeen bar-tilmaameedyo ku yaalla dalka Sacuudiga, iyagoo adeegsaday todoba diyaaradood oo nooca aan duuliyaha lahayn.

Sida ay sheegeen Xuutiyiinta, weerarka ayaa lagu beegsaday laba goobood oo shidaalka laga soo saaro, ayna leedahay shirkadda ARAMCO, kuwaasi oo ku yaalla degaanno  220km iyo 380km galbeed ka xiga caasimadda dalka Sacuudiga ee Riyaad.

Laba maalmood ka hor weerarkaasi, afar markab oo ganacsi ayaa hawla arbushaad ah la kulmay meel u dhow Imaarada Fujeera ee waddanka Imaaraatka Carabta.

Sidoo kale wasiirka Tamarta dalka Sacuudiga ayaa sheegay in laba kamid ah maraakiibtooda shidaalka qaada ay la kulmeen weerar  noocaasi oo kale ah.

Xaaladda gobolkaasi ayaa murugtay, kadib markii khilaaf ka dhex abuurmay dalalka Iraan iyo Maraykanka, iyadoo dowladda Maraykanku ay xayiraad ku soo rogtay shidaalka ay soo dhoofiso Iraan, ayna sii xoojisay cuna-qabateynta saaran dalkaasi, iaydoo sii dheertahay maraakiibta diyaaradaha xambaara oo Maraykanku gobolka u diray,si uu u kordhiyo cadaadiska Iraan.

Halkan ka akhriso warbixinta oo Af-carabi ku qoran

PUNTLAND POST