Warbixin: Imtixaanka shahaadiga ah ee Puntland oo saaka bilowday

In ka badan 15,800 oo arday ayaa saaka oo Sabtiya imtixaanka shahaadiga ah u fariistay 106 xarumood oo ku yaalla guud ahaan gobollada iyo degmooyinka Puntland.

Ardayda oo ka kooban fasalka 8aad ee dugsiyada dhexe iyo fasalka 4aad ee dugsiyada sare degaannada Puntland ayaa saaka wakhti isku mid ah u fariistay imtixaanka guud ahaan sagaalka gobol ee Puntland.

wasiirka Waxbarashada dowladda Cabdullaahi Maxamed Xassan oo ka warbixiyay imtixaanka ayaa sheegay in ardayda imtixaanka gelaysa ay ka koobantahay 15,892 arday oo isgu jira 10,887 arday oo dugsi dhexe ah iyo 5005 arday oo dugsiga sare ah.

Madaxweynaha dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo Garoowe ka furay imtixaanka ayaa wasaaradda Waxbarashada Puntland uga mahadceliyay dadaalka ay ku bixisay in ardayda Puntland ay helaan imtixaan nidaamsan oo horumarsan.

Sidoo kale madaxweynaha ayaa ardayda ku baraarujiyay in imtixaanka laga qaadayo ay u arkaan mid wasaaraddu ku qiimaynayso heerka tacliinta iyo aqoontoodu marayso balse aysan u arag culays iyaga la saarayo isagoo ku boorriyay in ay dadaal ku bixiyaan sidii ay u guulaysan lahaayeen.

“Imtixaanku in la is dhibayo maaha imtixaanku waa qiimayn Waa hubin iyo qiimayn heerka tacliinta ardadeenu marayso waxaan rajaynaynaa qiimayn wanaagsan in ay ka soo baxdo” ayuu yiri madaxweyne deni.

Mudane Deni ayaa sidoo kale sheegay habka nidaamsan ee imtixaanka shahaadiga Puntland uu tusaale lagu daydo u noqon doono dhammaan geyiga Soomaalidu degto isagoo xusay in khibradda iyo waaya-ragnimada dheer ee Puntland u leedahay qaadista imtixaanaadka ay uga faa’idayn doonaan dowladda Federaalka iyo maamul goboleedyada dalka.

Halkaan ka daawo Muuqaalka

PUNTLAND POST