DF oo sheegtay inay ciidamadeedu billaabeen hawl-gallo ka dhan ah Kooxda Al-shabaab

Muqdisho (PP) ─ Dowladda Somalia ayaa ku dhawaaqday hawl-gallo ka dhan ah kooxda Al-shabaab, kaasoo laga fulinayo deegaanno iyo degmooyin ka tirsan gobollada Shabeellaha dhexe iyo Shabeellaha hoose oo qaybo ka mid ah ay maamusho Al-shabaab.

Hawl-galkan waxaa ku dhawaaqay wasiirka gaashaandhigga Somalia, Xasan Cali Maxamed oo sheegay in dagaalkaan uu noqonayo mid ka duwan kuwii horay u dhexmaray ciidamada DF oo kaashanaya AMISOM iyo Al-shabaab.

Sidoo kale, Wasiirku wuxuu xusay in hawl-galkan ay fulin doonaan ciidanka dowladda Somalia oo keliya, si ay Al-shabaab uga saaraan labadaas gobol, isla markaana ay hoggaamin doonaan wasiirada, amniga, gaashaandhigga iyo cadaaladda.

“Qorshayaasha dowladda ugu muhiiman waxaa ka mid ah in ciidamdeenna dagaal galaan, waayo waxaan bedelnay qorshihii hore ee ahaa in ciiidanka DF ay la hawl-galaan kuwa AMISOM, dagaalkaanna waxaa galaya ciidanka DF oo keliya,” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka oo sii hadlayay ayaa xusay inay xoogga saari doonaan gobolka Shabeellaha hoose, halkaasoo uu sheegay inay ku sugan yihiin kooxda Al-shabaab, ayna doonayaan inay ka saaraan.

“Dgaaalkeenna waa mid ku wajahan labada Shabeelle, balse qorshaheenna ugu weyn waa gobolka Shabeellaha hoose, halkasoo ay kooxdu qaybo badan oo ka mid ah ka xukunto,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa labadii sano oo ay jirtay waxay dhawar jeer shaacisay in ay qaadayso dagaal ka dhan ah kooxda Al-shabaab, balse hadalkaas uusan weli dhaqan-gelin.

PUNTLAND POST