Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka oo digniin ka soo saaray dhoofinta Dhuxusha Somalia

Muqdisho (PP) ─ War-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee dalka ayaa looga hadlay dhoofinta dhuxusha, waxaana lagu xusay in dhoofinta dhuxushu ay saamayn laxaad leh ku leedahay xaalufinta dhirka iyo deegaanka, waxayna il-weyn oo dhaqaale u tahay argagixisada.

Dhoofinta dhuxusha waa fal-dambiyeed lagu ciqaabi karo xeerka ciqaabta Soomaaliyeed, waxaana lagu mamnuucay qaraarka golaha ammaanka ee QM ee tirsigiisu ahaa; S/RES/2036 (2012) ee ku saabsan mamnuucidda, dhoofinta iyo soo-dejinta dhuxusha Soomaliyeed si dadban ama si toos ah, xataa haddii aanay dhuxushaasi Soomaaliya toos uga imaanin.

Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranku wuxuu baaris ku hayay fal-danbiyeedkaa foosha xun, wuxuuna isagoo la kaashanaya INTERPOL ku dhawyahay in la soo qabto xubno ka ganacsada soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha.

Iyadoo taasi jirto ayaa haddana waxaa jira xog lagu kalsoon yahay oo sheegaysa inay dib u billaabatay soo saaridda iyo dhoofinta dhuxusha xeebaha Soomaaliya.

Xafiiska Xeer-Ilaaliyaha Guud ee Qaranka wuxuu uga digayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee ku nool gudahiisa ama dibaddiisa dalka, lugtana ku leh dhoofinta dhuxusha sharci darrada ah inay joojiyaan fal-dambiyeedkaas, waxayna wajahayaan ciqaabta ka dhalata fal-dambiyeedkaas sida ku xusan xeerka ciqaabta Soomaaliyeed.

Dhanka kale, si arrintaan wax looga qabto xafiiska xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka wuxuu la kaashanaya Booliska Soomaaliyeed guud ahaan iyo ka Dawlad￾Goboleedka Jubaland gaar ahaan.

Ugu dambeyn xafiiska xeer-Ilaaliyaha guud ee Qaranka wuxuu ka digayaa in doomaha iyo maraakiibta lagu raro dhuxusha in lala wareegayo iyadoo loo marayo.

Haddaba, AKHRISO; Qoraalka kasoo baxay xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka;

PUNTLAND POST