Shirkii Golaha Wasiirada Jubbaland oo looga dooday Arrimo ay ka mid yihiin Ammaanka

Kismaayo (PP) ─ Golaha Wasiirrada dowlad-goboleedka Jubbaland ayaa Khamiista maanta ah kulan ku yeeshay magaalada Kismaayo, kaasoo uu guddoomiyahay Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Max’ed Islaam kaasoo looga hadlay arrimo ay ka mid yihii amniga guud ee dalka iyo shirkii Garoowe.

Madaxweynaha Jubbaland ayaa golaha faah-faahin dheeraad ah ka siiyay shirkii Dowlada Federaalka ah iyo Dowlad Goboleedyada dalka ee Garowe iyo guud ahaan xaalada Siyaasada dalka.

Golaha Wasiiradu waxaa kale oo ay dood dheer ka yeesheen xaaladaha amniga iyo sidii loo dardar galin lahaa iyadoo go’aamo la xiriira sugida amniga laga soo saaray gaar ahaan in aan hub lala gali karin garoonka diyaaradaha lagalana soo dagi karin iyadoo golahu uu hay’adaha amaanka ku amray in la adkeeyo amniga garoomada diyaaradaha.

Waxaa kale oo kulanka maanta lagaga hadlay sharciga Doorashooyinka qaranka iyo heshiiskii qaybsiga khayraadka oo wax ka badal lagu sameeyay kadib shirkii Baydhabo iyo dib u eegista Dastuurka.

Dhinaca kale Wasaarada Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa faah faahin ka bixisay safar shaqo oo Wasiirka wasaaradu uu ku maqnaa iyo waxyaabahii ka qabsoomay.

Ugu dambeyn, Wasaarada Waxbarashada ayaa faah faahin ka bixisay dib u dhaca ku yimid imtaxaanka qaran iyo sidii looga shaqayn lahaa in uuna hakan mar kale iyadoo dhawaan gudi arintan ka shaqeeya loo saarayo.

PUNTLAND POST