Booliiska Somalia oo sheegay in hal ruux ay u xireen imtixaankii Dowladda ee la xaday

Muqdisho (PP) ─ Taliyaha ciidanka booliiska Somalia, Jen. Bashiir Cabdi Maxamed oo warbaahinta kula hadlay Muqdisho ayaa sheegay inay gacanta kusoo dhiggeen shaqsi lagu tuhmaayo in uu faafiyay imtixaanka dowladda ee dhawaan la joojiyay.

Jen. Bashiir ayaa sheegay in shaqsiga la qabtay lagu magacaabo Jamaaludiin Xasan Xirsi oo 29-sano jir ah, kana mid ahaa shaqaallaha wasaaradda waxbarashadda Somalia oo lagu tuhmaayo inuu faafiyay imtixaanka dowladda Somalia.

Sidoo kale, Taliyaha ayaa xusay in shaqsigan lagu eedeeyay inuu si toos ah u faafiyay imtixaanka dowladda, isla markaana dhawaan la horkeeni doono sharciga, si haddii uu dambiga ku caddaado loo abaal-mariyo.

Taliyaha booliiska Somalia ayaa sheegay in ciidamada booliska ay ku daba-jiraan shaqsiyaad kale oo lagu tuhmaayo inay ka dambeeyeen falkii lagu xaday Imtixaanka dowladda.

Wasiirka waxbarashada Somalia, Cabdiraxmaan Goodax Barre ayaa habeen hore ku dhawaaqay inuu joojiyay imtixaankii dowladda ay ka qaadasay ardayda Dugsiyada sare ee Dowladda, kaddib markii qishka imtixaanka lagu arkay baraha ay bulshadu ku xiriirto.

Dhanka kale, Joojinta imtixaanka ayaa wuxuu keenay in ardaydii kala duwanaa ee imtixaanka laga joojiyay ay mudaaharaadyo dhigeen, kuwaas oo keenay inuu arday ku dhinto kuwo kalena ay ku dhaawacmaan.

Ugu dambeyn, Wasiirka waxbarashada ayaa sheegay in dhammaadka bishan lagu jiro la qaadi doono imtixaan kale oo ku celis ah, isla markaana la jarayo baraha ay bulshada ku xiriirto si looga gaashaanto in imtixaanka la dusiyo.

PUNTLAND POST