Madaxda Shirkad doonaysa inay maal-gelin sameyso oo maanta booqday Somaliland

Hargeysa (PP) ─ Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa kula kulmay Hargeysa madax ka socotay shirkad horumarineed oo laga leeyahay dalka Turkiga oo uu horkacayo guddoomiyaha shirkaddaas, Aziz Yildirim oo maanta safar shaqo ku yimid Somaliland.

Mas’uuliyiinta shirkada laga leeyahay Turkiga ee la kulmay Muuse Biixi ayaa ujeedkooda lagu sheegay inay dooayaan inay maal-gashi ku sameystaan iyo sidii ay qayb uga noqon lahaayeen mashaariicda laga wado Somaliland.

Sidoo kale, Mas’uuliyiinta ayaa la sheegay inay doonayaan inay maal-gelin ku sameeyaan; kalluumeysiga, warshadaha, beeraha waddooyinka iyo sidoo kale macdanta, waxayna sheegeen inay ku qanceen dadaalka iyo horumarka Somaliland ka muuqda iyo maal-gashiyada waaweyn ee waayadan danbe ka socday.

Dhanka kale, Madaxda shirkadda Turkiga laga leeyahay ayaa sheegay inay  door-bideen inay Somaliland ku sameyaan maal-gashi, isla markaana ay u noqdaan tusaale shirkadaha iyo maal-gashadayaasha Turkiga si ay qayb uga qaataan maal-gashiga Somaliland.

Wasiirrada Ganacsiga iyo warshadaha Somaliland ayaa kulanka wuxuu kusoo bandhigay qorshayaasha maal-gashi ee ay rabaan iyo sida ay diyaarka ugu yihiin inay ka faa’iideeyeen fursadaha noocan oo kale ah.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha maamulka Somaliland ayaa ku bogaadiyay mas’uuliyiinta shirkadda Turkiga laga leeyahay, isagoo soo dhaweeyay inay xog-ogaal u noqdaan horumarka ganacsi iyo dhaqaale ee Somailland ka socda, isagoo xusay inay xukuumadda iyo shacabka ka go’an tahay soo dhawaynta cid kasta oo kheyraadka Somaliland ka jira.

PUNTLAND POST