Ciidamada Somaliland oo Laascaanood ku dhaawacay nin suxufiya

Suxufi Cabdiraxmaan Kayse Tungub

Ciidamada amniga maamulka Somaliland ayaa xalay magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ku dhaawacay suxufiga Cabdiraxmaan Kayse Tungub.

Weriyaha oo maalmo ka hor shir jaraa’id ka duubay odayaal cambaareeyay xariga xildhibaan Dhakool loogu geystay magaalada Hargeysa ayaa isna xalay waxaa dhaawacay askar ka tirsan ciidamada amniga Somaliland sida ay xaqiijiyeen suxufiyiinta gobolka Sool.

Mid kamid ah saaxiibadiis ayaa sheegay in suxufiga oo la dhaawacay fiidnimadii xalay haatan lagu dabiibayo isbitaal ku yaalla magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Sidoo kale wuxuu sheegay in askar ka tirsan kuwa Somaliland ay rasaas si bareer ah ugu fureen suxufigaasi xilli uu ka soo baxay goob uu ku afuray.

Balse ciidamada ayaa sheegay in rasaasta ay rideen kadib markii uu carar isku dayay suxufiga oo ay doonayeen in ay xiraan.

PUNTLAND POST