Ra’isilwasaare Kheyre oo kormeeray Isgooysyada Muqdisho

Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda fedreaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Cali Khayre ayaa xalay kormeer amni ku tegay taliska Qaybta Guud ee booliiska gobalka Banaadir iyo Isgoysada ay ku sugaynyihiin ciidamada sugaya amniga .

Taliyaha Booliska ayaa kormeerkaan ku wehlinayay Ra’isilwasaaraha.

Ra’isilwasaaraha ayaa saraakiisha ciidamada kula dar daarmay sii wadida qorshayaasha lagu sugayo amaanka.

Ra’iisul Wasaare Khayre ayaa sidoo kale booqday qaybo kamid ah goobaha ay bulshadu isugu timaado iyo xarumo ganacsi.

Puntland Post