Guddi diiday inay Xasaanadda kala laabtaan Xildhibaan dhawaan lagu xiray Hargeysa

Hargeysa (PP) ─ Shir ay Magalada Hargeysa ku yeesheen maanta guddiga joogtada ah ee golaha wakiillada maamulka Somaliland, ayaa waxay ku diideen in xasanaanadda laga qaado xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah golaha wakiilada Somaliland.

Guddiga ayaa xeer-ilaalinta Somaliland waxay u soo gudbisay in xasaanadda lagala laabto xildhibaanka, balse guddiga ayaa dalabkaas ka biya-diiday, isla markaana dalbaday in xildhibaanka xorriyadiisa dib loogu soo celiyo.

Sidoo kale, guddiga ayaa ammaanay go’aankii uu gudoomiyaha maxkamada gobolka Maroodi-jeex uu ku diiday inuu qaado dacwada xildhibaan Dhakool, isagoo xusay in xildhibaan xasaanad leh uusan dacwadiisa qaadi karin.

Mudane Maxamed Axmed Dhakool oo ka mid ah golaha wakiilada maamulka Somaliland ayaa dhawr casho ku xiran xabsi ku yaalla Magaalada Hargeysa, waxaana loo haystaa hadal uu siiyay warbaahinta oo uu ku sheegay in 18-ka May aysan ahayn maalin qaran, laakiinse ay tahay maalin u gaar ah ururka SNM.

Dhanka kale, Xarigga xildhibaanka ayaa wuxuu buuq iyo gacan ka hadal ka dhaliyay magaalada Laascaanood ee gobolka Sool oo uu kasoo jeedo, iyadoo xalay laga maqlay magaaladaas rasaas xoog badan.

Ugu dambeyn, Xarigga xildhibaanka ayaa lagu sheegay mid aan sharciga u dhigan Somaliland waafaqsanayn, maadaama uu xildhibaanku xasaanad leeyahay, isla markaana gurigiisa lagala soo baxay iyadoo aanay maxkamadi xukumin xariggiisa.

PUNTLAND POST