Xaaji Cabdi Waraabe oo geeriyooday iyo Madaxweyne Farmaajo oo ka tacsiyeeyay

Hargeysa (PP) ─ Isbitaal ku yaalla magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa waxaa ku geeriyooday maanta marxuum Xaaji Cabdi Xuseen Yuusuf oo loo yiqiinay [Xaaji Cabdi Waraabe], kaasoo ka mid ahaa cuqaashii gacanta weyn ka geystay nabad-galyada Somaliland.

Geerida marxuumka ayaa waxaa warbaahinta u xaqiijiyay xubno ka tirsan maamulka Somaliland oo ay ehel ahaayeen, waxaana la sheegay in muddo dhawr jeer ah la dhigay isbitaalka uu maanta ku geeriyooday si looga daweeyo xanuunno lasoo darsay.

Marxuumka ayaa wuxuu ka mid ahaa cuqaasha ay ka go’do talada guud ee Somaliland, wuxuuna dhawr jeer oo hore ku guuleystay inuu xalliyo khliaafyo soo dhex-galay maamulladii Somaliland soo maray tan iyo markii ay ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya inteeda kale sannadkii 1992-kii.

Sidoo kale, Marxuumka oo ku geeriyooday da’da 121 sano, ayaa wuxuu u soo joogay dhacdooyin kala duwan oo soo maray Soomaaliya, sidoo kalena wuxuu maamulka Somailland kasoo qabtay jagada ah madaxii waaxda socdaalka, isagoo haddana ahaa xildhibaan ka tisran golaha guurtida maamulkaas.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoyskii, qaraabadii iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Marxuum Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) oo maanta ku geeriyoodey magaalada Hargeysa.

“Innaa Lilaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Aniga oo ku hadlaya magacayga iyo kan Qaranka, waxaan guud ahaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaanna eheladii iyo qaraabadii Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf (Cabdi Waraabe) uga tacsiyaynaa geerida naxdinta leh ee ku timid Marxuumka.”

“Xaaji Cabdikariim Xuseen Yuusuf waxa uu ahaa oday Soomaaliyeed oo wakhtigiisa u huray nabadaynta, dhexdhexaadinta, walaalaynta iyo heshiisiinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaanna reer Somaliland. Waxa uu ka soo qayb qaatay Halgankii Gobannimo doonka Soomaaliyeed, waxa uuna ahaa samatalis Soomaaliyeed oo nabadda iyo wanaagga jecel. Eebbe ha u naxariisto, hoygiisana Jannatul Firdowsa haka yeello, qoyskiisa iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyoodeyna samir iyo iimaan haka siiyo,” ayuu yiri Farmaajo.

Marxuumka ayaa lagu wadaa in gellinka dambe ee maanta lagu aaso Koonfurta magaalada Hargeysa, waxaana lagu wadaa inay aaska ay ka qayb-galaan mas’uuliyiin kala duwan oo ka tirsan maamulka Somaliland.

Ugu dambeyn, dadka falanqeeya Siyaasadda ayaa waxay sheegayaan in geerida marxuumka ay sabab u noqoto karto in la xallin waayo khliaafyada soo dhex-gala maamulka Somaliland, kuwaasoo xilliyada qaar la isku mari waayo.

PUNTLAND POST