Duullimaadkii tooska ahaa ee Muqdisho iyo Nairobi oo la joojiyay

Muqdisho (PP) ─ Xukuumadda Kenya ayaa maanta ku dhawaaqday inay joojisay duullimaadyadii tooska ah ee Muqdisho illaa Nairobi, iyadoo xustay in wixii maanta ka dambeeya ay diyaaraduhu mari doonaan Wajeer si baaris loogu sameeyo.

Tallaabadan ayaa waxay ka mid ahayd qodobbo ay dowladaha Soomaaliya iyo Kenya sannadkii 2017-kii ugu heshiiyeen, inkastoo go’aankan cusub uu u muuqdo mid ay dowladda Kenya keligeed qaadatay, isla markaana aan la ogeyn ujeeddada rasmiga ah ee ay ka leedahay.

Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay inuu soo gaaray go’aanka Kenya ay ku joojisay dullimaadyadii tooska ah ee Muqdisho ka aadi jiray, ayna wixii ka dambeeya maanta diyaaradaha Xamar ka duula lagu baari doono Wajeer.

Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, Maxamed C/llaahi Salaad [Oomaar] oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in warqad kasoo baxday waaxda socdaalka Kenya ay soo gaartay lagula ogeysiiyay go’aanka cusub ee ay Kenya qaadatay.

“Aniga xitaa ma garanayo sababta ka dambeysa in Kenya ay go’aankan qaadato, balse dhankeenna waxaa socda la tashiyo arrintaan ku saabsan oo aan doonayno inaan uga jawaabno,” ayuu yiri Wasiir Oomaar oo sheegay in aanu xilligan warbahainta la wadaagi karin go’aanka ramsiga ah ee DF ay ka qaadanayso tallaabadan.

Sidoo kale, Wasiirka gaadiidka iyo duulista hawada Soomaaliya, ayaa meesha ka saaray wararka sheegaya in arrimo amni ay la xiriirto tallaabadan cusub ee Kenya qaaday, isagoo ku faanay in amniga garoonka Muqdisho uu yahay mid ka wanaagsan garoomo badan oo caalami ah.

Dhanka kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya iney jirto dhaqaale xumo aad u weyn oo dowladda Kenya kasoo wajahday dakhligii uga soo xaroon jiray garoonka diyaaradaha Wajeer, iyadoo warbixin lagu daabacay Wargeyska Daily Nation lagu muujiyay in tan iyo markii dib loo billaabay duullimaadka tooska ah ee Muqdisho iyo Nairobi garoonka Wajeer uu khasaaray 19­kun oo Doollar.

Ugu dambeyn, dowladda Soomaaliya ayaa laga sugayaa in jawaab u dhiganta midda Kenya ay ka bixiso dhawaan, inkastoo aan la ogeyn jawaabtaas ay bixin doonto dowladda Soomaaliya, maadaama siyaasiyiintu ay sheegaan inay DF inta badan ka war-wareegto ciqaabidda dowladda Kenya.

PUNTLAND POST