Madaxweyne Famaajo oo lagu boorriyay inuu la heshiiyo madaxda Maamul-goboleedyada

Muqdisho (PP) ─ Madaxweynaha Somalia, Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa lagu cadaadiyay inuu heshiisyo wax-ku-ool ah la galo maamullada ka jira dalka, kaddib kulan uu si qarsoodi ah kula qaatay safiirka Mareykanka u fadhiya Somalia.

Danjire Donald Yamamoto ayaa ku boorriyay madaxweynaha DF inuu soo af-jaro dhammaan khilaafyada kala dhexeeya madaxda maamullada waddanka ka jira, kuawasoo uu sheegay inay qabaan tabooyin ku aaddan habka ay DF wax ku waddo.

Kulanka Farmaajo iyo Yamamoto ayaa toddobaadkii hore si qarsoodi ah uga dhacay Muqdisho, iyadoo warbaahinta laga qariyay inay wax ka ogaato wixii looga hadlay, balse ilo wareedyo ka tirsan Villa Somalia ayaa soo dusiyay wararkan.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia ayaa wuxuu sheegay in khilaafyada DF kala dhexeeya madaxda maamul-goboleedyada ay curyaamiyeen hawlihii ay dowladdu qaban lahayd, taasna ay tahay caqabad weyn oo haysata.

“Hawlaha dowladda waxay xilliyadii u dambeeyay ka socon waayeen khilaaf aan kala joogsi lahayn oo u dhexeeya madaxda maamul-goboleedyada iyo dowladda aan madaxda u ahay, waxaana isku dayayaa inaan khliaafyadaas soo af-jaro, si hawlaha ay dowladdu ay horay ugu socdaan labada sano ee ka hartay xukunkayga,” ayuu Farmaajo u sheegay Danjire Yamamoto.

Dhanka kale, Danjiraha Mareykanka u jooga Somalia ayaa kulankan ka hor wuxuu magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula soo qaatay kulammo wajiyo badan lahaa madaxda maamul-goboleedyada, isagoo dhageystay dhammaan cabashooyinka ay qabaan.

Kulammadan ayaa waxay keeneen in shir lagu qabto Garoowe, kaasoo ay goobjoogayaal ka yihiin dhammaan madaxda maamullada dalka ka jira iyo xubno ka socda beesha caalamka, inkastoo aanay weli kasoo bixin natiijo lagu qanci karo.

Ugu dambeyn, Dowladda Somalia ayaa waxay weli u muuqataa inay dhan isaga riixayso cabashooyinka ay maamul-goboleedyada qabaan qaarkood, inkastoo ay ogolaatay inay qaarkood ka tanaasul ka muujiso.

PUNTLAND POST