Somaliland oo xirtay Xildhibaan ka soo jeedo Sool

Ciidamada Booliska Somaliland ayaa caawa xabsiga u taxaabay xildhibaan Maxamed Axmed Dhakool oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliland.

Xildhibaanka ayaa ka soo jeeda gobolka Sool.

Xildhibaanka ayaa shalay warbaahinta ka sheegay in maalinta 18-May ay tahay maalin u gaar ah SNM.

Dadaalo lagu soo deeynayo xildhibaanka ayaa ka socdo caawa magaalooyinka Somaliland.

Durba eedeeymo kala duwan ayaa loo jeedinayaa Somaliland oo ku aadan in xildhibaanka oo lahaa xasaanad ay ku xadgudubtay.

Puntland Post