Liverpool oo layaab ugu soo baxday kama dambeynta tartanka kooxaha Yurub

Liverpool ayaa u soo baxday kama dambeynta (final) tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League-ga, kadib markii ay sameysay soo laaabasho la yaab leh.

Liverpool ayaa sameysay mid kamid ah mucjisooyinkii ugu layaabka badnaa tartanka xiisaha iyo xamaasadda badan ee UEFA Champions Luegue -ga, kadib markii ay lugtii dambe ee afar dhamaadka 4-0, ugu awood sheegatay Barcelona oo lugtii hore ku soo khaarijisay 3-0.

Origi iyo Gini Wijnaldum ayaa min laba gool u dhaliyay Liverpool oo joogtay gagideeda Anfield, waxayna si dad badan macquul la noqon weyday ugu soo baxeen kama dambeynta tartankan, iyadoo waliba ay ka maqnaayeen ciyaartow badan oo u kamid yahay Mohamed Sallah.

Barcelona oo markii hore wadatay guul 3-0 ah ayaa la baday midka daran fadeexadii xili ciyaareedkii hore ka soo gaaray AS Roma, waxayna markale Champions League-ga kaga hartay si murugo badan.

Liverpool ayaa xili ciyaareedkii labaad oo xiriira gaartay kama dambeynta (final) koobka kooxaha Yurub, sidoo kale waa markii labaad oo ay ka sameyso taariikh layaab leh, 2005 ayay AC Milan tartankan, kaga qaaday soo laabasho mucjiso ahayd.

Liverpool ayaa kama dambeynta tartankan 1-da bisha soo socota ee June, la ciyaari doonta Ajax iyo Tottenham midkood, kaas oo ka dhici doona gagida Estadio Metropolitano, Madrid.

PUNTLAND POST