Shil gaari oo dad badan ay ku dhinteen oo ka dhacay wadada Berbera – Hargeysa

Shil gaari oo ka dhacay wadadada u dhexaysa Berbera iyo Magaalada Hargeysa ayaa waxaa la soo sheegayaa in ay ku dhinteen 7 qof halka 4 qof oo kalena ay ku dhaawacmeen. Shilkan ayaa dhacay kadib markii ay isku dhaceen gaari weyn oo ah kuwa xamuulka qaada iyo Gaari Bas ah oo rakaab waday.

Dadkii dhaaqacmay ayaa loo qaaday isbiyaalka magaalada Berbera sida uu warbaahinta u sheegay isuduwaha caafimaadka ee gobolka Saaxil Dr. Bashiir Diiriye.