Su’aasha ugu adag ee Farmaajo iyo Kheyre lagu weydiin doono shirka Garoowe?

Shirka wada-tashiga xukuumadda Federaalka Soomaaliya iyo madaxda dowlad goboleedyada, ayaa saaka ka furmaya magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Shirka waxaa ka qayb-gelaya madaxweynaha Soomaaliya, ra’iisul wasaaraha, dhammaan madaxda dowlad goboleedyada dalka iyo xubno ka socda daneeyaasha Beesha caalamka.

Qodobada shirkan looga hadli doono waxaa kamid ah: amniga Qaranka, dhammasytirka Dastuurka dalka, qaybsiga khayraadka iyo hannaanka cadaaladda.

Balse, waxaa jira qodob kale oo ay mudnaan gaar ah siinayaan, madaxda dowlad goboleedyada, islamarkaana kamid ah arrimaha salka u ah khilaafkii hore ee labada dhinac.

Qodobkaasi, waa qaybsiga deeqaha caalamku bixiyo ee lagu soo qaado magaca Soomaaliya iyo hannaanka ay u maamusho xukuumadda Federaalka.

Madaxda dowlad goboleedyada ayaa ka cabanaya in aysan qaybtooda ka helin deeqaha laga soo qaado caalamka, iyagoo xukuumadda ku eedeynaya in ay si qaldan u maamusho deeqahaasi.

Dadka sida hoose ula socda arrimahan, ayaa sheegaya in malaayiin lacaga oo magaca Soomaaliya xukuumaddu ku soo qaaday, aysan si saxa u gaarin dowlad goboleedyada.

Sidoo kale, waxay aaminsan yihiin in su’aasha ugu adag ee madaxweyne Farmaajo iyo ra’iisul wasaare Kheyre lagu weydiin doono shirkan ay noqon doonto, habka ay u maamuleen malaayiinta Dollar ee deeq-bixiyaashu ku caawimeen Soomaaliya, balse aan gobolada dalka la gaarsiin?

Su’aashaasi haddii ay si daah-furan uga jawaabi waayaan madaxda xukuumadda Federaalka, waxay xoojin doonta dalabka dowlad goboleedyada oo doonayo in si toos ah loo siiyo deeqaha caalamku bixiyo.

PUNTLAND POST