Qaraxyo aan khasaara nafeed geysan oo ka dhacay Bosaaso

Waxaa xalay qaraxyo lagu weeraray guryo ay magaalada Bosaaso ka degan yihiin labba sarkaal oo katirsan ciidamada Puntland, kana hawlgala buuraha gal-gala.

qaraxyadan oo laga maqlay inta bgadan magaalada ayaan geysan wax khasaare nafeeda hase ahaate waxay burbur xoogan u geysteen guryihii lala beegsaday.

Labadan qarax ayaa dhacay xili ay dadku hurdeen, waxayna kusoo aadayaan iyadoo Dawlada puntland waayadii u danbeeyey xooga saaraysay xaqiijinta amaanka magaalada Bosaaso, waxaana magaaladaas mudo billo ah ku sugan taliyaha ciidamada booliska Puntland General Muxiyadiin Axmed Aw-Musse.

Puntland post