Kheyre, Axmed Madoobe, Lafta-gareen iyo Waare oo yimi Garowe

Ra’iisul Wasaare Kheyre iyo Madaxweyne Deni

Wufuud ay kala hogaaminayaan Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, madaxweynayaasha Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Hirshabeelle ayaa maanta oo Jamce ah soo gaaray caasimadda Puntland ee Garowe.

Soo dhaweyntii Lafta-gareen

Wafdigii ugu horeeyay ee maanta Garowe yimi ayaa ahaa mid uu hogaaminayay madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Maxamed Xasan Lafta-garaan, waxaana garoonka diyaaradaha Gen. Maxamed Abshir ku soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Axmed Karaash, qaar kamid ah golayaasha dowladda iyo madax kale.

Soo dhaweyntii Axmed Madoobe

Saacad kadib hadana waxaa garoonka sidii si lamid ah loogu soo dhaweeyay wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan (Axmed Madoobe).

Waxaa ku xigay wafdi uu hogaaminayay madaxweynaha Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare, waxaana sidoo hore si kamid ah garoonka diyaaraha ku soo dhaweeyay madaxda Puntland.

Soo dhaweyntii Waare

Wafdihii ugu dambeeyay ee maanta gabal-gaabkii lagu soo dhaweeyo garoonka Gen. Maxamed Abshir ee Garowe ayaa ahaa wafdi uu hogaaminayay Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre, waxaa soo dhaweeyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ku xigeenkiisa Axmed Karaash, qaar kamid ah golayaasha dowladda iyo masuuliyiin kale.

Soo dhaweyntii Kheyre

Wufuudii maanta timi Garowe ayaa la arkayn wax shacab ah oo ka qeyb qaatay soo dhaweyntooda, waxaana loo xiray wadada Soddonka (30) oo ah waddo aan mashquul badnayn.

Berri oo sabti ah ayaa la faliyaa in ay Garowe yimaadaan wufuud ay kala hogaaminayaan madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaalle Geelle Xaaf.

Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah ayaa Garowe kaga qeyb-galaya shir wada-tashi ah, oo maalmo ka hor uu shaaciyay madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.

Shirkan ayaa ku soo aadaya iyadoo Puntland, Jubbaland iyo Galmudug ay ka hor yimaadeen xeerka doorashooyinka Soomaaliya oo ay shalay ansixiyeen Golaha Wasiiradda.

PUNTLAND POST