Ra’isilwasaaraha Soomaaliya oo durba magacaabay wasiirka warfaafinta

Ra’isl wasaaraha Soomaaliya mudane Xasan cali Kheyre ayaa goordhow magacaabay wasiirka wafaafinta Soomaaliya uu maanta baneeyay Daahir Maxamuud Gelle.

Ra’isilwasaare Kheyre ayaa Maxamed Cabdi Xayir Maareeye u magacaabay wasiirka warfaafinta oo ahaa wasiirka ganacsiga Soomaaliya.

Maxamed Cabdi Xayir Maareeyee wasiirka Warfaafinta

Sidoo kale Ra’isilwasaare Xasan Cali Kheyre ayaa Eng. Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumada Soomaaliya.

Eng. Cabdullaahi Cali Xasan Wasiirka Ganacsi

Daahir Maxamuud Gelle ayaa ku dhawaaqay maanta in uu iska casilay xilka wasiirka warfaafinta Soomaaliya isaga oo is casilaadiisa u sababeeyay kala argti duwanaasho isaga iyo Ra’isilwasaaraha ah.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post Muqdisho