
Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed ayaa xilka ka qaaday taliyhii qeybta Booliiska gobolka Nugaal, G/sare Xassan Cabdullaahi Maxamed.
Dikreeto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha, ayaa xilka looga qaaday taliyaha, waxaana xilkaasi si ku meel gaar ah loogu magacaabay G/sare Cabdixamiid Maxamed Dirir oo sidoo kale ah taliyaha ciidanka PSF ee gobolka Nugaal.
G/sare Xassan Cabdullaahi Maxamed ayaa hore xilkan loo magacaabay 28 October 2018 waxaana uu xilka hayay mudda 6 bilood ah.

Madaxweynaha ayaa tan iyo markii la doortay magacaabay xilal kala duwan oo aan dikreetooyinkooda warbaahinta lala wadaagin si ka duwan madaxdii isaga ka horraysay
PUNTLAND POST