Farmaajo iyo Kheyre maka qeybgali doonaan shirka Garowe?

Madaxweyne Deni

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa habeen ka hor shaaciyay in Puntland ay marti galinayso shir wada-tashi ah oo ay iskugu iman doonaan madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah, kaas oo uu sheegay in 2-da bisha soo socota ee May uu ka bilaaban doono magaalada Garowe.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in shirka Garowe la isla gartay, kadib markii dood dheer ay yeesheen dowladaha xubnaha ka ah dowladda Federaalka Soomaaliya, iyo wada tashi la la sameeyey madaxda sare ee dalka Madxaweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.

Muxuu yahay ajandaha shirka?

Madaxweyne Deni yaa ka warbixiyey qaabka iyo qodobada looga wada hadli doono shirka Garowe, wuxuuna sheegay in uu noqon doono mid lagu jaangoon doono qaabka madaxda dowladda Federaalaka Soomaliya iyo madaxda dowladaha xubnaha ka ah ay u wada shaqayn lahaayeen, laguna xadido magaca uu qaadanayo habkaas oo uusan noqon kii hore oo la oran jiray “Golaha Amniga Qaranka” iyo sidii dib loogu eegi lahaa Dastuurka dalka oo uu sheegay in ay u arkaan in uu ku socdo wado khaldan.

Eedeymo ka dhan ah Federaalka

Madaxweynaha Puntland Siciid Deni ayaa dhaliilo kala duwan oo kulul u jeediyay dowladda ay hogaamiyaan Farmaajo iyo Kheyre, wuxuuna sheegay in la gacan bidixaynayo Dastuurka iyo nidaamkii lagu heshiiyey, taasina ay tahay arrin khatarteeda leh.

Sidoo kale arrimaha Deni ku dhaliilay Federaalka waxaa kamid ah habkii loo magacaabay, guddoomiyaha Bankiga dhex ee Soomaaliya, oo uu sheegay in lagu xad-gudbay hannaanka awood-qeybsiga beelaha.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in hab aad u qaldan loo maray, magacaabista guddoomiyaha Bankiga dhexe ee dalka, maadaama sida uu tilmaamay kolkii hore loo ekaysiiyay tartan furan, balse markii uu liiska gaaban soo baxay, haddana la magaacabay ninkii imtixaanka saxayey.

Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xukuumadda Federaalka Soomaaliya ku dhaliilay in ay gebi ahaanba ku fashilantay amniga dalka isagoo tusaale u soo qaatay in ay sugi la’dahay amniga wadada Makka Al-mukarrama oo keliya ha hor inta aan la gaarin qeybaha kale ee magaalada Muqdisho iyo gobolada ka baxsan.

Eedaymaha Deni ayaa ku soo aaday iyadoo maalmo ka hor, Xildhibaanada aqalka sare ku matala Puntland ay Federaalka u jeediyeen kuwo mid lamid ah eedeymahan.

Farmaajo iyo Kheyre

Hadaba iyadoo Madaxweyne Deni uu sheegay in shirka Garowe ay kala tashadeen Madaxweyne Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Kheyre, ayaa hadana dadka fallaanqeeya arrimaha siyaasada Soomaaliya waxay qabaan in marka la eego dhaqan siyaasadeedka Farmaajo iyo Kheyre aysan ka qeybgali doonin shirkaas.

Sidoo kale fallaanqeeyaasha ayaa qaba in marka la eego eedeymaha uu Deni u jeediyay Farmaajo iyo Kheyre ay iyana muujinayso in Deni dareensan yahay in shirkaas aysan ka qeyb galayn, balse waxay sheegeen in hadii ay dhacdo ay muujinayaan tanaasul siyaasadeed.

Farmaajo iyo madaweynayaasha DXDFS

Caleemo-saarkii Madaxweyne Deni kadib ayay ahayd markii Deni iyo Farmaajo shaaciyeen shir bishii Maarso lagu qaban lahaa Garowe, balse aan la qaban, ilaa iyo hadana aan la garanayn sababta uu u qabsoomi waayay, sidoo kale waxaa horay u jiray shirar ay Muqdisho ku yeelan lahaayeen madaxda Federaalka iyo kuwa dowladaha xubnaha ka ah oo fashilmay.

Dooorashadii Madaxweyne Deni kadib waxaa soo baxayay aragtiyo iska soo horjeeda oo ku aadan waxa uu noqon karo xiriirka u dhaxeeya dowladda Federaalka iyo Puntland, dadka qaar ayaa qabay in xiriir wanaagsan ay yeelan doonaan Federaalka iyo Puntland, balse rajadaas ayaa god dheer ku dhacday todobaadyo kadib markii uu soo ifbaxay khilaaf cusub oo hor leh, kaas oo xaaladda cirka ku sii shareeray.

Khilaafka Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah

Khilaafka iyo isfaham darada mar kasta soo kala dhexgasha dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah waa mid aad u qoto dheer oo soo jiitamaysay muddo ku dhow 10 sano, waxayna bilaamatay Farmoojo oo dalka Ra’iisul Wasaare ka ah, markii khilaaf soo kala dhexgalay dowladdii Federaalka iyo Puntland oo ahayd dowladdii kaliya oo ka jirtay dowladaha xubnaha ka ah Federaalka, waxayna arrintaasi sababtay in Puntland xiriirka u jarto dowladdii uu hogaaminayay Shiikh Shariif Shiikh Axmed.

Heshiiskii Garowe Two, 17 February, 2012

Khliaafka Puntland iyo dowladda dhexe ee hadba dhalata waxa uu salka ku hayaa aragtida laga qabo Federaaliisimka gaar ahaan awood qayb siga, madaxda dowladda dhexe marna kuma qanacsana nidaamkan, sidaas daraadeed waxa ay inta badan qaadaan tillaabooyin isku eg oo ay ugu horayso, shaki galinta iyo furfuritaanka Federaaliisimka, ayna labayso, faquuqidda iyo ciqaabista Puntland oo ay u arkaan dheeli-tiraha koobaad iyo dhardhaarka sharciyadda Federaaliisimka, saddexna ay tahay, marooqsiga iyo wiiqista awoodaha is dheeli-tira sida golayaasha xeer dajinta, garsoorka, dastuurka iyo dowladaha xubnaha ka ah dowladda dhexe.

Dhamaan dowladihii dhexe ee dalka soo maray marka laga reebo dowladdii Cabdullaahi Yuusuf waxa ay ka midaysnaayeen la dagaalanka Federaalka, inkastoo dawladdii Xasan Shiikh ay dagaal toosa iyadu la gashay nidaamkaan, haddana aakhirkii waa ay ku guulaysan waydey isku daygeedii, laakiin dagaalka dowladda Farmaajo ayaa ah mid ka gadisan kana khatar badan dagaalkii dowladdii Xasan Shiikh, dowladda Farmaajo ayaa la sheegaa in ay tahay dowladaha nooca xamaas ku dhaladka loo yaqaan.

Waxaa horey u jiray heshiisyo ay wada galeen Puntland iyo dowladda federaalka Soomaaliya, kuwaas oo ka fuli waayay dhanka dowladda dhexe, waxaana kamid ahaa kuwii Garowe lagu galay 2012 iyo 2016.

Shirka Deni sheegay in Garowe lagu qabanayo, waxaa hadda ka harsan muddo saddex beri ah, waxaana laga war sugayaa cidda ka qeybgasha iyo wixii ka soo baxa.

PUNTLAND POST