Cawil Sheekh Xaamud: Puntland Waxaa ku wajahan dagaal

Wasiirka Caddaalada dowladda Puntland Cawil Sheekh Xaamud oo Sabtida maanta hadal ka jeediyay munaasabad lagu qabtay caasimadda Garoowe ayaa sheegay in Puntland lagu soo qaaday dagaal warbaahineed oo sumcadda iyo sharafta looga dilayo.

Wasiir Xaamud ayaa sheegay in Puntland ay wajahayso dagaal looga soo qaaday baraha bulshada oo ay wadaan dad doonaya in ay sawir fool-xun ka bixiyaan Puntland si ay sumcadda iyo sharafta uga dilaan.

Puntland waxa ku wajahan dagaal social media-da ama gudaheena ha ahaato ama meel kale ha ahaatee oo lagu baabi’inayo image-ka Puntland” ayuu yiri Xaamud.

Wuxuu tusaale u soo qaatay in gabadh shil gaadhi ku dhimatay laga faafiyay warar been-abuura oo sheegaya in la kufsaday balse markii dambe beenoobay.

Wasiirka ayaa ku baaqay in la helo dhalinyaro baraha bulshada aad u isticmaala oo weerarkaasi ka difaacda dowladda si loo ilaaliyo sumcadda Puntland.

Waa in aynu helno dad dhalinyara social media-yaha iyaguna dee waxa weeye aad u isticmaala oo arrintaa ka hortaga” ayuu sii raaciyay wasiir Xaamud.

PUNTLAND POST