Duqeyn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Bari

Wararka ka imaanaya degaanka Timirshe oo hoostaga degmada Isku-shuban ee gobolka bari ayaa sheegaya in duhurnimadii maanta halkaasi ay duqeymo ka geysteen diyaarado aan la aqoon dalka laga leeyahay.

Qof goobjooge ah oo magaciisa diiday ayaa warbaahinta Puntland Post u sheegay in diyaarado dagaal aan la garaneyn ay  duhurnimadi maanta duqeyn ka geysteen nawaaxiga tuuladaasi Timirshe balse uusan wax faahfaahin ah ka hayn cidda lala beegsaday iyo khasaaraah gaaray midna.

Goobjoogaha ayaa sheegay in duqeynta oo si xiriir ah u dhacaysay aysan beegsan halmeel oo keliya isagoo xusay in ay u muuqatay mid lagu garaacayo meelo kala duwan oo isku dhow.

Tuulada Timirshe waxaa ku dhow  buuraleyda Cal-miskaad ee gobolka bari halkaasi oo ay ku dhuumaalaystan malayshiyaad xiriir la leh Daacish oo  uu hoggaamiyo wadaadka lagu magacaabo Cabdulqaadir Mu’min.

Sidoo kale malayshiyaad ka tirsan Al-shabaab oo dagaal kula jira kooxda Daacish ayaa ku sugan isla buurahaasi oo ay marar hore ku dallaameen labada dhinac.

14-kii bishan April ayay ahayd markii diyaaradaha dagaalka Maraykanku ay duqeyn ku dileen ku xigeenkii hoggaamiyaha Daacish ee Puntland xilli uu marayey meel u dhow tuulada Xiriiro oo hoostagta isla degmada Isku-shuban ee gobolka bari.

Faahfaahinta kala soco Puntland Post