Maxay tahay sababta uu Muqdisho u yimi Shariif Sheekh Axmed?

Muqdisho (PP) ─ Boqolaal shacaba ayaa maanta si weyn ugu soo dhaweeyay Muqdihso madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo, iyadoo xubanaha soo dhaweeyay ay ku jireen mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

Imaashaha Sheeh Shariif ayaa la sheegay inay salka ku hayso kulan uu maalinta Sabtida ah Muqdisho ku yeelan doono xisbiga Himilo Qaran oo uu aasaaskiisa lahaa Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Wafdiga Shariifka ayaa waxaa garoonka Aadan Cadde kulan muddo qaatay kula yeeshay wasiirka amniga Soimaaliya, Maxamed Abuukar Isloow [Ducaale], iyagoo kawada hadlay xaaladda ammaan ee dalka, inkastoo aan si dhab ah loo ogeyn qodobbada kale ee ay kawada hadleen.

Madaxweynihii hor ee Soomaaliya hadal kooban oo uu taageerayaashiisa ugu jeediyay dhismaha uu ka daggan yahay Muqdisho, wuxuu ku sheegay inuu u mahad-celinayo cid walba oo gacan ka geysatay soo dhaweyntiisa, ayna dib iska arki donaan.

Dhanka kale, Wararka la helayo ayaa sheegaya in Xisbiga Himilo Qaran ay xubnihiisu kulan ballaaran ku yeelan doonaan Muqdisho Sabtida soo socota, iyadoo la filayo in looga dhawaaqo kulankaas hoggaanka iyo xubnaha xisbiga iyadoo la sheegay in hoggaamiye laga dhigi doono Guddoomiyihiii Hore ee Baarlamaanka, Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Warar kale, ayaa sheegaya in Sheekh Shariif uu kulan kula yeelan doono Villa Somalia Madaxweyne Maxamed C/llaahi Farmaajo oo haatan safar uga maqan dalka, iyadoo aan la ogeyn qodobbada ay kawada hadli doonaan iyo waxa kulankooda kusoo beegan xilligan oo ay socoto dabeyl siyaasadeed.

Ugu dambeyn, Imaanshaha Shariif Sheekh Axmed iyo kulanka xisbiga uu aasaaskiisa leeyahay ee Himilo Qaran ayaa wuxuu kusoo beegmayaa xilli ay dalka ka jiraan muranno siyaasadeed oo u dhexeeya DF iyo Axsaabta kasoo horjeeda hab-maamulka madaxda dalka.

PUNTLAND POST