Ma Golihii Iskaashiga soo noqday?

Qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyada Soomaaliya ayaa ku kulmayaa magaaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya kadib markii uu baaqday kulan uu isugu’ yeeray madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shirka uu ballamiyay madaxweyne Farmaajo ayaa sida la sheegay waxa diiday qaar kamid ah madaxda dowlad goboleedyad oo uu hoggaaminayo mudane Siciid cabdullaahi Deni kadib markii Villa Somalia ay dhabar-jebisay shir uu madaxweynaha Puntland ku marti-qaaday xukuumadda Federaalka iyo hoggaamiyaasha dowlad goboleedyada oo Garoowe lagu qaban lahaa.

Madaxweynaha Puntland oo shalay gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa halkaasi kula kulmaya madaxweynayaasha Jubaland iyo Galmudug oo sii joogay Nairobi iyo wakiilo ka socda beesha Caalamka, sida ay xaqiijiyeen xubno ka agdhow madaxtooyada Puntland.

Madaxda Puntland, Jubaland iyo Galmudug oo kulan u gaar ah ku yeelan doona magaalada Nairobi ayaa sida qorshaysan uga arrinsan doona sidii mar kale dib  boorka looga jafi lahaa golihii iskaashiga dowlad goboleedyada iyo xiriirka ka dhexayn doona iyaga iyo Villa Somalia kadib mad-madowga ka soo ifbaxay labada dhinac.

Sidoo kale waxay halkaasi shir wadajir ah kula qaadan doonaan wakiilo ka socda Beesha Caalamka iyo waddamada daneeya arrimaha Soomaaliya inkastoo aan shirkaasi qodoba looga hadlayo weli si cad loo ogayn haddana waxaa la sheegaya in hannaanka qeybsiga deeqaha caaalamku bixiyo uu ajandaha ku jiro.

PUNTLAND POST