Garowe: Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland oo geeriyooday

Marxuum Cabdirishiid Maxamed Xirsi

Guddoomiyihii hore ee Baarlamaanka Puntland Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa maanta oo sabti ah ku geeriyooday magaalada Garowe ee xrunta Puntland.

Allaha u naxariistee Cabdirishiid Maxamed Xirsi ayaa sida la sheegay waxaa ku soo booday xanuun de deg ah, kaas oo ugu dambeyn u geeriyooday.

Marxuum Cabdirashiid ayaa kamid ahaa Xildhibaanadii ugu horeeyay ee Puntland lagu asaasay, wuxuuna Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland soo noqday intii u dhaxeysay 2009 ilaa 2013, sidoo kale wuxuu Wasiirada Howlaha guud iyo Kulluumeysiga Puntland ahaa intii u dhaxeysay 2014 iyo 2018.

Marxuum Cabdirashiid ayaa Aas qaran loogu sameyn doonaa magaalada Garowe ee xarunta Puntland.

Bahda PUNTLNAD POST waxay tacsi u dirayaan eheladii iyo qaraabadii, geerida naxdinta leh ee ku timid Allaha u naxaristee Cabdirashiid Maxamed Xirsi, oo magac iyo maamuus weyn ku lahaa Puntland iyo Soomaali weynba.

PUNTLAND POST