Jeneraal jawaab kulul ka bixiay hadal kasoo yeeray Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya

Muqdisho (PP) ─ Taliyihii hore ee Qeybta 27-aad ee xoogga Somalia, Jen. Jeneral Maxamuud Maxamed Macalin [Koronto] ayaa ka hadlay xaaladihii ugu dambeeyey ee magaalada Muqdisho iyo hadal ay jeediyeen Cali Maxamed Geedi ra’iisal wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo Salaad Cali Jeelle.

Jen. Koronto ayaa waxa uu ku tilmaamay Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeelle kuwo aan matalin shacabka magaalada Muqdisho.

Jen Koronto ayaa sheegay in Siyaasiyiinta u hadlay dowladda aanay aheyn dad matala dadka Banaadir ee ay yihiin kuwo horay u kala qeybiyay dadka oo taariikhdooda la haayo.

“Cali Maxamed Geedi iyo Salaad Cali Jeelle waa nimanka kala qeybiyay dadka Banaadir oo horay uga soo fashilmay dalka inay maanta dowladda u hadlaan waa nasiib darro, dadkaas Banaadir kuma qancaan inay ku hadlaan oo ay ku soo horkacaan, waxay abuureysa waxyaabo horay loo iloobay in la soo xusuusto, Madaxweynaha waxaa loo qaadanayaa inuu raalli ka yahay, nimankaas mama talaan dadka Banaadir waa dad taariikhdooda qoran tahay oo dhibaatooyin u geystay dadkaan,” ayuu yiri Jen. Koronto.

Isagoo sii hadlaya ayuu intaas ku daray. “Waxa uu ku dhashay Madaxweyne Farmaajo magaalada Muqdisho,waxaa lagu dhex doortay Muqdisho waa Madaxweynihii ugu nasiib badnaa waana Muqdushaawi.”

Sidoo kale, mar uu ka hadlayay waajibaadka Madaxweynaha Somalia ayuu sheegay in Madaxweynaha loo dhiibay Baarlamaan dhisan iyo ciidan dhisan, ayna habboon tahay inuu isku hayo Baarlamaanka iyo ciidamadaba uuna ka soo baxo godka uu isku qarinayo.

“Talo ayaan u soo jeedinayaa Madaxweynaha oo ah in uu soo farogeliyo khilaafka ka dhex jira Baarlamaanka iyo ciidamada Qaranka oo lagu tilmaamay qabiil,” hadalkiisa ku daray Jeneraalka. Wuxuuna raaciyay. “Madaxweynaha waa taliyaha guud ee qaranka waxaana ciidanka maamulaya dad kale oo aan sharci u haysan.”

Ugu dambeyn, Jen Koronto ayaa sidoo kale waxa uu ka shirkiisa jaraa’id ku soo qaaday culummaa’uddiin ka hadashay banaanbax la sheegay inuu ka dhacayo Muqdisho iyo weliba qaar kamid ah duubabka dhaqanka.

Haddaba, DHAGEYSO: Hadalka Jen. Maxamuud Maxamed Macallin Koronto

PUNTLAND POST