Ciidamo aad u hubeysan oo lagu soo daadiyay wadooyinka Muqdisho

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan kuwa Booliska ayaa saakay la soo dhigay wadooyinka muhiimka ah ee Muqdisho.

Wadooyinka Makka Al Mukarama, Wadnaha iyo Sodonka ayaa lagu arkayaa ciidamadan oo aad u hubeysan oo wata gaadiidka dagaalka.

Ciidamadan ayaa si feeljigan ula socdo dhaqdhaqaaqa dadka, xili maanta laga cabsi qabo in ay dibad baxyo dhacaan.

Qaar kamid ah wadooyinkaasi oo aan soo maray majirin xanibaad isku socodka gaadiidka iyo dadka marka laga reebo wadooyinkii hore xirnaa oo wali sidoodii u xiran.

Baraha bulshada ayaa waxaa ka soconayay iclaaminta dibadbaxyo looga soo horjeedo dowladda.

Xasan Maxamed Samatar Cowke

Puntland Post, Muqdisho