Taliska Booliska oo ka digay dibad baxyo ka dhaco Muqdisho

Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed Bashiir Maxamed Cabdi Ameeriko ayaa ka hadlay dibad baxyo bari laga cabsi qabo in uu ka dhaco Muqdisho.

Dibad baxaasi ayaa waxaa soo ababulaya siyaasiin la sheegay in ay mucaaradka ku yihiin dowlada Soomaaliya.

Taliyaha oo la hadlayay warbaahinta dowlada ayaa sheegay in dibad baxyo kasta oo rabshado wato lagu hor istaagi doono.

Maalinta bari ah ayaa lagu wadaa in dibad baxyo ay ka dhacaan Muqdisho.

Ugu dambeeyntii Dowlada Soomaaliya ayaa maanta soo bandhigtay ciidamo cusub oo amniga Muqdisho sugaya

Puntland Post