Shaqaale ka tirsan wasaaradda Maaliyadda Puntland oo dacwad lagu soo oogay

Wasiirka Maaliyadda Xassan Shire Cabdi

Wasiirka Maaliyadda dowladda Puntland, Xassan Shire Cabdi, ayaa maanta shaaciyay in markii u horraysay maxkamad lagu soo oogay, shaqaale ka tirsan wasaaraddiisa oo musuq maasuq ku eedaysan.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook, ayuu ku sheegay in la qabtay ,dabadeedna dacwad maxkmadeed lagu oogay, shaqaaale ka tirsanaa wasaaradda Maaliyadda oo lacago dhunsaday.

Sida wasiirku sheegay, shaqaalaha dacwadda lagu oogay waxaa kamid ah; madaxii cabshuuraha wasaaradda Maaliyadda ee degmada Qandala oo ku eedaysan in uu dhunsaday lacag dhan $52,000 oo Dollar.

Dacwad lamid ah waxaa isna lagu oogay, madaxii canshuuraha berriga ee degmada Carmo oo ku eedaysan, in uu samaystay dukumintiyo been-abaara, si uu lacago ugu qaato.

Shaqaala dacwadda laga gudbiyay oo aan magacyadooda la xusin, ayaa sida wasiirku sheegay maxkamadu xannibtay hantidoodii shakhsiga ahayd, waxaana dacwadda lagu oogay hor taalla maxkamadda oo go’aan ka gaari doonta.

PUNTLAND POST

Cabdiraxmaan Ciise Cumar