Barcelona iyo Ajax oo u soo baxay Afar dhamaadka koobka kooxaha Yurub

Kooxaha Barcelona iyo Ajax ayaa u soo baxay wareega Afar dhamaadka tartanka kooxaha Yurub ee UEFA Champions League.

Barcelona ayaa garoonkeed Camp Nou 3:0 ugu awood sheegatay Manchester United lugta labaad ee siddeed dhamaadka tartankan, waxayna wadarta goolashada labadii kulan ku badisay 4:0.

Messi

Lionel Messi ayaa labo kamid ah goolasha Barcelona dhaliyay, halka kan saddexaadna uu dhaliyay Coutinho, waxayna Manchester awoodi weyday in ay la timaado wax gool ah.

Barcelona ayaa hadda sugeysa tii soo baxda kooxaha Liverpool iyo FC Porto oo habeen dambe oo Arbaco ah kala bixi doona.

Dhanka kale kooxda Ajax oo horey uga soo yaabsatay Real Madrid ayaa markan shacar lama ilaawaan ah gurigeeda ugu dhigtay Juventus, kadib markii ay 2-1 ugu awood sheegatay, waxayna wadarta labadii kulan ku badisay 3-2.

Juventus ayaa goolka la hormartay bilowgii ciyaarta waxaana u dhaliyay Cristiano Ronaldo, balse labo gool oo ay kala dhaliyeen Vande Beek iyo Matthijs de Ligt ayaa ka dhigay hal bacaad lagu lisay.

Ajax

Ajax oo sanadkan Champions Leugue ku soo bandhigtay ciyaaro aad loo la dhacay ayaa hadda sugeysa midkood tii soo baxda kooxaha Manchester City iyo Tottenham oo habeen dambe Arbacada balansan.

PUNTLAND POST