5 qof oo qaraabo ah oo caawa lagu dilay Muqdisho

Wararka ka imaanaya Xaafada Kaabo Godey qeybta degmada Wadajir ee Magaalada Muqdisho ayaa ku waramaya in halkaas caawa lagu laayay dad Qaraabe Soke ahaa

Sida ay inoo sheegeen goobjoogayaal kooxo la socday gaari kuwa Raaxadda ah ayaa fuliyay dilka,waxaana la sheegay in rasaas ay ku fureen xili fadhiyeen afafka hore ee guriga.
Inta la xaqiijiyay waxaa falkaan ku dhintay 5,ruux,waxaa sidoo kale dhaawacyo culus ay soo gaareen 4-kale kuwaasi oo la dhigay isbitaalka Madiina.
Magacayadda dadka ku dhintay weerarka ayaa kala ah
Maxamed Cabdi maxamed
Maxamed saciid muuse
Cabdi Xasan ibraahim
Cismaan Xasan iidow
Maxamed Cumar Axmed
Dadka deegaanka ayaa inoo sheegay in dadka lagu dilay weerarka iyo kuwa dhaawaca ah intooda badan ay yihiin kuwo Qaraabo soke ah oo hal qoys ka soo wada jeeda.

Si rasmi ah looma oga falkaasi waxa sababay laamaha amaanka ayaana goobta gaaray oo baaritaano wada.

Puntland Post