Madaxweyne Deni oo shaki ka muujiyay in kufsiyada ka dhaca Puntland la soo abaabulay

Madaxweynaha dowladda Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni oo xalay hadal u jeediyay jaaliyadda Puntland ee waddanka Imaaraadka Carabta, ayaa shaaciyay in xukuumaddiisu guddi xaqiiqa-raadina u saartay cidda soo abaabusha kufsiyada ku soo badanaya degaannada Puntland.

Madaxweynaha ayaa sheegay in kufsiga iyo dilka is xambaarsan ee lagula kacayo gabdhaha da’ada yar, uu yahay dhaqan-xun oo hadda soo kordhay, una baahan in baaritaan dhab ah lagu sameeyo cidda soo abaaabusha,si tallaabo adag looga qaado.

“Waa daahiro cusub oo baaritaan dhaba u baahan, marka waxaan saarnay guddi xaqiiqada soo raadiya, marka arrintaasi waxay u baahantahay in aan si qoto dheer u baarno, cid kasta oo ka dambaysana tallaabo adag laga qaado” ayuu yiri Deni.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhammaan kiisaskii kufsiga ee Puntland ka dhacay ay gacanta ku hayaan hay’adaha amniga iyo dembi-baarista, qaarkoodna  mar hore loo gudbiyay maxkamadaha, islamarkaana cid walba ciqaabta ay mudaysato lagu qaadi doono.

PUNTLAND POST