Xukuumadda Puntland oo sheegtay in ay guddiya u saarayso arrimaha kufsiga

Xukuumadda Puntland ayaa sheegtay in guddi wasaarado ka kooban loo saari doono, arrimaha kufsiga ku soo badanaya degaannada Puntland, saacado kadib markii guddiga joogtada ah ee Baarlamanku isku raacay in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kufsiyada ka dhaca Puntland.

War-murtiyeed ka soo baxay Shir ku saabsanaa amniga  oo maanta ka qabsoomay xarunta madaxtooyada Garoowe, ayaa lagu sheegay  in si deg deg ah xukuumaddu wax uga qaban doonto arrimaha kufsiga, islamarkaana guddiyo ka kooban wasaaradaha loo saari doono baaritaanka kiisaskii dhacay.

Shirkan waxaa goobjoog ahaa  maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe, Wasiir ku-xigeenka wasaaradda Amniga Puntland, agaasimaha guud ee madaxtooyada, iyo taliyayaashacCiidamada Booliska, Daraawiishta, PSF iyo Asluubta, waxaana shir guddoomiyay madaxweyne ku xigeenka Puntland, Axmed Cilmi Cismaan(Karaash).

Wasiir ku xigeenka Amniga Puntland, Yuusuf Maxamed Ismaaciil oo ka warbixiyay shirkaasi, ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Puntland lala wadaagi doono hadba wixii ka soo kordha baaritaannada iyo hawlaha socda ee ku aaddan waxka qabashada kufsiga.

Halkaan ka daawo

PUNTLAND POST